
C/raxmaan Maxamed Faroole oo kamid ah xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka ayaa baaq nabadeed kasoo saaray dagaalada ka dhacaya magaalada Gaalkacyo ee u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug.
Cabdiraxmaan Faroole madaxweynihii hore ee Puntland, ayaa dagaalada Gaalkacyo ku taliyay in si dhaqsi ah loo joojiyo haddii la doonayo in doorasho sanadkaan ka dhacdo dalka Soomaaliya.
Dagaalada u dhaxeeya labada maamul ayuu sheegay inay caqabad kale ku noqon karaa doorashada dadban ee sanadkaan la qorsheeyay iney guud ahaan dalka ka dhacdo.
Sidoo kale wuxuu sheegay in dhankooda ay xubnaha aqalka sare ee Galmudug kala shaqeyn doonaan sidii dagaalada loo joojin lahaa.
Dowlada Soomaaliya madaxdeeda ayuu ugu baaqay iney tagaan magaalada Gaalkacyo haddii la doonayo doorasho ka dhacdo Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.
Maamulka Puntland ayaa aamisan in dowlada Soomaaliya ay door ku leedahay dagaalada gobolka Mudug, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in marnaba dowlada door ku yeelan doonin xii