Prof. Jawaari oo ku guuleystay Kursiga Xildhibaanka Aqalka Hoose Doorashada ka socota K/galbeed

Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Federaalka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan [Jawaari], ayaa ku guuleystay kurigiis u horreeyay ee doorashada Aqalka Hoose doorashada maanta ka billaabatay degmada Baydhabo ee maamul-goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Prof. Jawaari ayaa helay 45-cod, isagoo ka guuleystay musharraxii la tartamayay ee C/raxmaan Sheekh Ibraahim oo isagana helay 5-cod oo keliya, wuxuuna noqonayaa musharraxii ugu horreeyay ee ku guuleystay dorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha kasoo galaya Koonfur-galbeed.

Sidoo kale, Doorashada ayaa weli socota, iyadoo at musharraxiin badan ku tartamayaan 23-ka kursi ee la doonayo inay kasoo baxaan maamulka Koonfur-galbeed oo afar ka mid ah la doonayo inay haween noqdaan, sida at sheegeen guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Prof. Jawaari ayaa haatan ah guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee uu waqtigiisu dhammaaday, kaasoo ay bedeli doonaan xildhibaannada doorashooyadu ay haatan ka socoto maamul-goboleedyada dalka.

Wixii kasoo kordha doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Baydhabo waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda haddii ALLE ogolaado.

– See more at: http://hiiraan.com/news/2016/Nov/wararka_maanta8-118273.htm#sthash.hDbY0JPP.dpuf