
Guddoomiyihii Degmada Buurhakabo ee Gobolka Baay Maxamed Amiin Maxamed, ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax miino oo Bishii la soo dhaafay 15-keedi lagula beegsaday Degmada Buurhakabo.
Labo Xidigle Maxamed Ibraahim Cabdule oo ah Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Maamulka Degmada Buurhakabo ayaa wuxuu Warbaahinta u xaqiijiyay geerida Guddoomiyaha.
Waxa uu sheegay dhaawacii horay u soo gaaray Guddoomiyaha inuu u dhintay.
Saraakiisha ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo masuuliyiinta Maamulkaasi ayaa si wadajir ah uga tacsiyadeeyay geerida ku timid GUddoomiyihii Degmada Buurhakaba.