Xukuumadda Itoobiya oo xannibaada ka qaaday diblomaasiyiinta kadib markii ay dalkaasi xasiloonnidii kusoo laabatay.

Dowladda Itoobiya ayaa xannibaada ka qaaday diblomaasiyiinta dalkeeda ku sugan ee u safraya masaafo ka baxsan 40 kilo mitir caasimadda Addis Ababa.

Xannibaadaasi ayaa qeyb ka ahayd xaaladda deg-dega ah ee dalkaasi lagu soo rogay, ka dib bilooyin ay socdeen rabshadihii ugu xumaa ee Itoobiya soo mara muddo sanado ah.

Wasiirka gaashaandhiga Itoobiya, Siraj Fegessa, ayaa sheegay in xannibaada la qaaday maadaama ay dalkaasi xasiloonnidii kusoo laabatay.