
Waxaa maalinta berrito ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka Madasha Wada-tashiga Qaran, kaasoo looga hadli doono arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, caqabadaha iyo cabashooyinka ka imaanaya xarumaha ay ka socdaan doorashooyinka. |
Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa sheegay in shirka Madasha Wada-tashiga Qaranka uu berri oo Arbaco ah ka furmi doono magaalada Muqdisho.
Mr. Keating ayaa shalay kula kulmay magaalada Muqdisho Madaxweyne kuxigeenka Puntland iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, iyagoo ka wada hadlay tabashada Puntland iyo hakintii doorashooyinka ka socday Garowe. Arrimaha ugu muhiimsan ee shirka looga hadli doono ayaa waxaa ka mid ah dhameystirka hanaanka doorashada dadban, cabashada ka imaanaya Musharaxiinta, buuqa iyo muranka ka jiray deegaanada ay doorashooyinka ka dhaceen. Sidoo kale arrimaha ugu muhiimsan ayaa waxaa ka mid ah tabashada Puntland ee ku aadan doorashada Aqalka Sare ee xubnaha Sool iyo Sanaag ka imaanaya ee lagu dooranayo Muqdisho, iyadoo dooneysa in Garowe lagu doorto, waxaana dhowaan ay hakisay doorashadii ka socotay Garowe. Inkastoo Ergeyga Qaramada Midoobey Micheal Keating uu ku dhawaaqay in shirka Madasha Wada-tashiga qaran uu berri ka furmayo Muqdisho, ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka maqan inta badan Madaxda Madasha ay ku maqan yihiin safaro gudaha dalka, kuwa dibadda iyo deegaanadooda ay ku kala sugan yihiin. |