Xildhibaan Maxamed Muxumed Faarax (Dheerayste)Ayaa Maanta Galinkii hore Loo Dhaaciyey Xabsiga Hoose Ee Magaalada Borama, Isaga Oo Aan Wax Maxkamad ah Aan La Horkeenin

Deg Xildhibaan Maxamed Muxumed Faarax (Dheerayste)Oo Labadii Cisho Ee Ugu Dambeeyey Ku Xidhnaa Saldhiga Dhexe Ee Borama Ayaa Maanta Galinkii hore Loo Dhaaciyey Xabsiga Hoose Ee Magaalada Borama, Isaga Oo Aan Wax Maxkamad ah Aan La Horkeenin.

Qaar Ka Tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Borama Oo Maalmihii Ugu Dambeeyey Dadaal Xoogan Ugu Jiray Sidii Loo Sii Dayn Lahaa Xildhibaankani ayaa Waxaa Hadalo Meel ka dhac ah iyo Gacan Ka Hadal kala Hor IMiday Qaar ka tirsan Bahda Garsoorka Ee Gobolka Awdal Sida ay Sheegayaan Ila Wareedyo Xog Ogaal ah.

Dhinaca Kale Ehelada Iyo Qaraabada Xidlhibaan Maxamed Muxumed Faarax Dheerayste Uu Codkooda Ku Fadhiyo Golaha Deegaanka Degmada Borama ayaa siweyn uga Cadhooday Talabadani lagu Dhaqmay Xildhibaan Dheerayste

Qaar ka mid ah Ehelada Xidhibaanka ayaa Ku Tilmaamay Xadhiga Xildhibaanka Mid Sharciga Baal Marsan Laguna Tix Galin Waayey Xasaanadii Xildhibaanimo.

Islamarkaana Waxaa Ay Ku Goodiyeen In Haddii Aan Sida Ugu Dhaqsa Badan Aan Loo Soo Daynin Ay Talaabo Qaadi Doonaan…

Ilaa iyo Hada Ciidamada Amaanka Ee Gobolka Awdal Ayaana Ka Hadlin Xadhiga Xildhibaankani Iyo Halka Laga Qoonsaday

Wixii Warar Ah Ee Ka Soo Kordha Waxaan Idiinku Soo Gudbin Doonaa Wararkeena Dambe…..