
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Guterres oo booqasho ku tegeya dalka Kenya
March 5 (Jowhar)—Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa lagu wadaa in berri oo Axad ah booqasho ku tago magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi isagoo kala hadli doona hogaamiyaasha geeska Afrika arrimaha gobolka gaar ahaan abaaraha ka jira Soomaaliya iyo Koofurta Sudan.
Booqashada Guterres ee dalka Kenya ayaa waxaa xoogga uu ku saarayaa abaaraha baahsan ee ka jira Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah dalka Koofurta Sudan oo loogaga dhowaaqay inay macluul ka jirto sida uu saxaafada u sheegay afhayeenkiisa.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Guterres oo ah booqashadii ugu horeysay ee uu tago dalka Kenya tan iyo markii uu la wareegay xilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale waxaa uu kala hadli doonaa dowlada Kenya arrimaha qaxootiga gaar ahaan qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira xerada Dhadhaab.
Lama oga in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo uu tegi doono magaalada Nairobi si uu ula kulmo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.