
Deg Deg:Madaxweyne Farmaajo oo Warqad u diray Imaaraadka Carabta
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Maalmo ka hor Warqad u diray Dowladda Imaaraadka,waxaana uu sheegay inuu Cabasho ka yahay Safiirka Imaaraadka u jooga Soomaaliya ee lagu Magacaabo Maxamed Al-Cusmaani.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in Warqadda dacwada ah uu ku sheegay in Safiirka uu ku Xad Gudbay Qarannimadda Soomaaliya islamarkaana Dowladda Soomaaliya aysan Aqbali doonin Arrintaas.
Dawcadda ayaa la Xiriirta Saldhigga Imaaraadka uu ka dhisanayo Magaalada Berbera .