Xoogaga Mucaaradka Suuriya oo la sheegay in ay ka gudbeen go’doomintii dowladda

Wararka laga helayo dalka Suuriya waxay sheegayaan in xoogagga mucaaradku ay ku guuleysteen inay helaan gargaar.

Waxa ay mucaaradka ka gudbeen jidgooyooyiinka dowladda ay dhigtay magaalada Xalab.
Gaari xamuul ah oo siday qudaar ayaa gaaray bariga magaalada Xalab oo mucaaradku ay maamulaan.
Laakiin dadka u ololeeya arrimaha Suuriya waxay sheegayaan in wadadaasi ay weli halis ku tahay dadka rayidka ah in ay maraan.
Ciidammada dowladda weli wey diidan yihiin in mucaaradku ay ka gudbeen qadka go’doominta kaddib dagaal aad u xoog badan oo Sebtidii dhacay.
Wuxuu maamulka Asad ku adkeysanayaan in bariga Xalab weli ay go’doon ku jirto oo aan la jabinin.
Dad Suuriyaan ah oo isu soo baxay kadib markii Mucaaradka ay sheegteen inay ka gudbeen go’doominta dowladda
Mucaaradka waxay sheegeen inay wado cusub u fureen magaalada XalabImage

Magaalada waxay dowladda u go’doonsaneed muddo isbuucyo ah

Qiyaastii 250,000 oo Suuriyaan ah ayaa ku nool bariga Xalab oo mucaaradka ay maamulaan, dowladuna ay go’doomisay
Dadka dabaaldegaya waxaa kamid ah shaqaalaha gurmadka degdegga ah ee mucaaradka
Laakiin weli waxaa Xalab ka socda duqeymo ay ciidamada dowladda Suuriya ka geysanayaan.
Waad ka baxday Qalabka dhagaysiga, guji Enter ama Tab si aad u sii wadato.