Guri Shan Dabaq ah oo Dad Shacab ahi ay Dagenaayeen oo ku Dumay Magaalada Nairobi (Video)

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa maalintii Shalay ahayd ku soo dumay guri 5 dabaq ah oo ay ku noolaayeen dad shacab ah.

Gurigan ayaa la sheegay in maalmihii u danbeysay ay ku soo badanayeen dildilaaca darbiyada, taas oo muuqaal u ahayd in uu dumi doono.

Gurigan 5 dabaq ahaa ayaa la sheegay inay dad shacab ahi ku noolaayeen, booliska ayaa dadkii uu ugu baaqay inay dabaqa isaga soo baxaan inta uusan dumin ka hor.

Dalka Kenya ayaa waxaa sanadahan danbe ku soo badanaya guryaha dabaqyada ah ee duma iyaga oo aan sidaasi u fac weynayn.