Madaxweynaha DDS Cabdi Maxamuud Cumar Oo Booqanaya Deegaano Hoos Taga Buuhoodle Oo Ay Ku Dhufteen Abaaro (Sawiro)

Madaxweynaha DDS Cabdi Maxamuud Cumar Oo Booqanaya Deegaano Hoos Taga Buuhoodle Oo Ay Ku Dhufteen Abaaro (Sawiro)

Waxaa maanta magaalada Buuhoodle oo ka mid ah Magaalooyinka ku yaala Xuduuda ay Wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya gaaray Wafdi uu Hogaaminayo Madaxwaynaha Dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar .

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa la sheegay inuu u Kuur galayo Xaalada Abaarta ka jirta deegaanada hoos yimaada Maamulkiisa, Waxaana soo dhowayn loogu sameeyay deegaan lagu magacaabo Shaxda oo Buuhoodle dhinaca gudaha Itoobiya kaga kaga beegan.

Dhinaca kale wuxuu maanta kulan uu la yeeshay Qaar kamid ah Waxgaradka iyo Isimada dhaqanka ee deegaanka, Iyadoona ay socdaan Kulamadaasi, Waxaana kamid ah Xubnaha la kulmay Garaad C.risaaq Garaad Soofe iyo Suldaan Siciid Cismaan Cali iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Dhaanka iyo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka wadahadlaya sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameysay abaarta deegaanka ka jirta, iyadoo ay socdaan dadaalo ku aadan sidii iskaashi loogu sameyn lahaa Shacabka