(August 15,2016) Rio 2016: Taageero la siiiyay Fu Yuanhui oo u dabaalata Shiinaha ka dib markii ay dabaalatay iyadoo caado qabta

In la tartamo Olimbiga ayaa adag- laakiin ka fikir adigoo qabo caadada inaad tartantid.

Fu Yuanhui, oo ka mid ah ciyaartooyda ugu wayn ee Shiinaha ayaa si daacad ah u hadashay waraysi ay bixisay ciyaaraha ka dib.

Hadda waxay noqotay qof laga hadlo internetka – iyadoo jabisay dhaqan wax aan laga hadlin isboortiga oo ah caadadada.

Shiinaha ayaa galay kaalinta afraad tartanka dumarka ee 4x100m ee dhacay axadii.

Ciyaaraha ka dib kooxda Fu ee Lu Ying, Shi Jinglin and Zhu Menghui ayaa wariye waraystay laakiin Fu ayaa la arki waayay meel ay jirto.

Meel gadaal ayay joogtay, iyadoo uu xanuun hayo.

Fu Yuanhui oo tartamaysa dabaasha 100m ee gadaal loo dabaasho Rio 2016 OlympicImage copyright AFP
Image caption Baraha bulshada ayaa lagu taageeray Fu

Markii uu wariyaha waydiiyay sida ay tahay Fu ayaa sheegtay: “Si fiican uma dabaalan waqtigan” waxayna raali galisay gabdhaha kooxdeeda.

“Sababta waxay tahay caadada ayaa ii timid shalay, marka waxaan dareemay daal gaar ahaan- laakiin sababta saas ma aha, wali si fiican uma dabaalan.”

Waxay u ahayd fursad dad badan oo reer Shiino ah, oo baraha bulshada ku taageeray Fu.

“Waan jecelahay Fu Yuanhui, inay dabaalato iyadoo qabta caado – dumarka ayaa waxaa saameeya caadada, gaar ahaan markii ay xanuun leedahay, waxay dareentay shalaay inay kaalinta afraad gasho, laakiin aad ayaan kuugu faraxsanahay ayay qortay qof isticmaalaya barta Sina Weibo ee Shiinaha.

Tampons ayaan si aad ah looga aqoon Shiinaha

Waxay keentay dood badan oo ku saabsan Tampon-ka oo aan aad looga isticmaalin Shiinaha.

Sida uu sheegay baaritaan 2% oo kaliya oo dumarka Shiinaha ayaa isticmaala tampons, markii la barbardhigo 42% dumarka Maraykanka ee isticmaala.

TamponsImage copyright AFP
Image caption Tampons

Dumar badan ayaan aqoon sida loo isticmaalo Tampons ama ma aysan maqal, sida ay sheegtay Cotton Inc.

Heather Watson o Tennis u ciyaarta BritainImage copyright PA
Image caption Heather Watson oo Tennis u ciyaarta Britain ayaa ka hadashay sida caadada ay u saamayso heerka awoodeeda

Ms Bruinvels ayaa baaritaan ku samaysay 1,800 ciyaartooy dumar ah iyadoo baaris u samaynaysa Female Athlete Health Group oo ay iskaashanayeen St Mary’s University iyo University College London.

In ka badan kal bar dumarka ay baartay ayaa sheegay in caadada ay saamaysay ciyaartooda.