Ryan Giggs oo la sheegay inuu danaynayo inuu tababare u noqdo kooxda Swansea

Ryan Giggs ayaa la sheegayaa in ay suuragal tahay in uu danaynayo in uu tababare u noqdo kooxda Swansea, haddii uu ka tago tababaraha haatan kooxdaasi layliya ee Francesco Guidolin.

Giggs, oo 42 jir ah, ayaa bilowgii bishii July isaga tagay xilka tababare ku xigeenka kooxda Manchester United, isaga oo sidaana ku soo afjaray 29 sano oo uu kooxdaasi la joogay.

Kooxda Swansea ayaa 4 dhibcood oo kali ah ka heshay 5 kulan oo ay xagaagan ka dheeshay horyaalka Ingiriiska, waxaana lagu soo warramayaa in kooxdan ka dhisan gobolka Wales ay ka fikirayso inay iska badesho tababaraha.

Haddii ay sidaa dhacdana, Giggs waxa ay u badan tahay in uu noqdo tababaraha kooxdaasi Swansea.

Giggs ayaa horay u shaaciyay