Tababaraha kooxda Manchester City oo sheegay in farxadda taageerayaasha ay kala muhiimsan tahay in uu koobab ku guulaysto.

Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa sheegay in farxadda taageerayaasha ay kala muhiimsan tahay in uu koobab ku guulaysto.

City ayaa sii wada badinintii ay xilli ciyaareedkan ku bilawday iyada oo ciyaartii shanaad 4-0 kaga badisay Bournemouth sabtidii.

Ciyaarta soo socota waxay is arki doonaan Swansea oo ay la dheeli doonaan ciyaar ka tirsan koobka League Cup, iyaga oo mar kalana isku arki doona ciyaar ka tirsan horyaalka Ingiriiska, ka hor inta aysan safar ugu bixin ciyaarta ay Celtic la yeelanayaan ee ka tirsan koobka Champions League, laakiin Guardiola ayaa diidan in uu hadda ka fikiro sidii uu koob ku qaadi lahaa.

Tababarahan reer Spain ayaa hadalkaas ku xoojiyay isaga oo sheegay in farxaddiisa oo dhan aysan ku xirnayn in koobabka oo dhan uu ku guulaysto.

Wuxuu sheegay in su’aashiisu ay tahay dadkii ciyaarta u soo daawasho tagay ma faraxsan yihiin? haddii ay jawaabtu haa noqotana ay taasi isaga ku filan tahay. in aan koobab ku guulaysano iyo in kalana waaba la arki doonaa ayuu sii raaciyay.

Leroy Sane oo ah ciyaaryahan ay wakhtiga dhaw soo sixiixdeen ayaa ciyaarti u dambaysay ee ay Bournemouth ka badiyeen ka qayb qaatay isaga oo soo galay ciyaarta daqiiqaddii 72, tababaraha ayaana sheegay in uu daqiiqado uun u baahan yahay uuna dheeli doono ciyaarta Swansea ay la yeelanayaan Arbacada.