Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo mudada xilkiisu ku ekayd 10 Sebtember ayaa markii labaad muuqaal Video ah soo direy taas oo uu uga hadlaayo dhegaysiga dacwadda Soomaaliya iyo Kenya ee muranka Badda, ee ka socda magaala The Hague ee dalka Holland.

Muuqaalka labaad ayaa Madaxweynuhu ku yiri:

“Aniga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyada waxaan si cad u balan qaadeynaa inaan tanaasul ka geli doonin hal mitir oo ka mid ah biyaha Soomaaliya, marna ma ogolin, mana ku hadlin, mana isku soo qaadin, hal mtiri oo biyaha Soomaaliya tanasul laga sameeyo”.

Horseed Media oo xiriir la sameysey sharci yaqaano ayaa sheegaya in Dacwadda Maxkamaddu aysan bilaaban ee waxa la dhegaysanaayo ay tahay Kenya oo ku doodeysa in ay Soomaaliya la gashey heshiis is-faham ah in ay wada hadlaan taas oo aan dhicin iyo Soomaaliya oo kiiska u gudbisey keligeed Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda. Maxkamadda ayaa dhegaysatey dooda labada dhinac, ee ah in Maxkamaddu qaado kiiskan iyo in dib loo dhigo, waxaa Sharci yaqaanadu sheegayaan in ay u badan tahay in kiiskan dib loo dhigo lagana codsado labada dal in ay wada hadlaan iyada oo Qaramada Midoobey dhex-dhexaadineyso.

Dalka Kenya ayaa samaystey xariiq toosan oo ay gudaha u soo galeen Badda Soomaaliya sanadkii 2005, markaas oo Dowlad kumeel-gaar ah dalkooda lagu doortey welina ay ku sugnaayeen Xildhibaanadu, Nayroobi. Sanadkii 2009 bishii May ayaa wax laga beddelay shuruucda ka faa’ideysiga kheyraadka badda ee EEZ, waxaana dalkasta la siiyey in ugu danbeyn uu soo gudbiyo 13 May 2009 halka u ah EEZ, arrintaas waxaa kawada hadla dalalka dereska isla ah si aysan isugu xadgudbin ama muran u dhicin. Heshiiskii Is-faham ayaa gebi ahaantiisba bur-burey kadib markii Baarlamaanku diidey, Xukuumadii markaas jirtey ee heshiiska gashey ay warqad u dirtey Qaramada Midobey laga noqonaayo heshiiskii is-faham, taas oo Qaramada Midoobey aqbashey sanadkii 2010.

Sida ay qabaan shuruucda caalamiga ah iyo diblomaasiyadda waxaan madaxdu ka hadlin dacwad dhegaysigeedi markaas socdo. Dacwaddan oo jadwalkeedu ahaa horaanka 2017 ayaa la aaminsan yahay in Madaxweyne Xasan Shiikh dalbadey in laga soo hormariyo xiligeedi, waxaana muuqata in Madaxweynuhu hadda u isticmaalayo ol-ole doorasho, si uu ugu muuqdo Madaxweyne difaacaya Badd Soomaaliya ay leedahay.

Kenya waxaa Ciidda Soomaaliya ka jooga kumaan-kun askeri oo markii hore aan ku soo gelin oggolaanshaha Qaramada Midoobey, waxaana ay isu beddeleen in ay kamid noqdaan hawlgalka AMISOM iyaga oo ku sugan gudaha Soomaaliya.

Horseed Media