Britain oo Nabad gelyada kala shaqeyneysa Soomaaliya

Wasiirka Dowladda Britain u qaabilsan Arrimaha Bariga Dhexe iyo Afrika, Tobias Ellwood booqasho aan horey loo shaacin Shalay ku yimid Magaalada Muqdisho ayaa waxuu kulamo kala duwan la qatay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya.

Mr. Tobias Ellwood ayaa sidoo kale waxuu Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, Francisco Madeira iyo Saraakiisha Dowladda Britain ee kaga sugan Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa waxuu kulamda kadib uu shaaca ka qaaday in Dowlada Britain ay amaanka iyo xasiloonida kala shaqeyso Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu qeexay in xiriirka u dhaxeeya Britain iyo Soomaaliya uu yahay mid wanaagsan islamarkaana xiriirkooda uu xoogeysan doono sanadaha soo aadan sida uu hadalka u dhigay.

Waxuu dhinaca kale uu carabka ku adkeeyay in Dowladiis ay Ciidamo ugu yaboohday Soomaaliya, si buu yiri gacan ay uga geystaan howlaha lagu xaqiijinayo amaanka Dalka.

Mr. Elwood ayaa cod dheer waxuu sheegay in uu ku faraxsan yahay horumarada ay sameysay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoona tilmaamay in horumaradan ay Dalka u horseedi karto in la gaaro qof iyo Codkiis.

Booqashadan ayaa noqoneysa midi ugu horeysay uu Wasiirka Dowladda Britain u qaabilsan arimaha Bariga Dhexe iyo Afrika, Tobias Ellwood uu ku yimaado Magaalada Muqdisho tan iyo markii loo magacaabay Xilkaasi.