Ciidanka xoreeynta SSC oo caawa gudiha u galay Qorilugud

War Deg Deg Ah:Ciidanka Jabhada SSC Oo Caawa Gudaha U Galay Qorilugud iyo Dagaal Socda,

Jan 10, 2020

Buuhoodle{ Khaatumonews }Cutubyo ka tirsan Ciidanka Jabhada SSC ayaa Goor dhawayd oo caawa ah Deegaanka Qorulugud ee Gobolka Togdheer ku Galay Dagaal culus,

Ciidamada Jabhada SSC ayaa Badh-tilmaameedka Dagaalka Ku eekeeyay Wajiga hore Saldhiga maleeshiyaadka somaliland ku leeyihiin Tuulada qoriligud,

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalkan caawa Jabhada SSC ku gashay tuulada Qorilugud ee Gobolka Togdheer.

Dagaalka kadib Magaalada Waxaa isku balaadhiyey Ciidanka Jabhada SSC iyadoo Korontada Laga jaray Guud ahaan magaaalada sida uu khaatumonews u sheegay Sarkaal kamid ahaa ciidanka SSC Ee ku sugna Qorilugud,

Ciidamada Jabhada SSC ayaa Isaga baxay tuulada qorilugud kadib weerarka qorshaysan ee ay gudaha ugu galen Caawa Deegaankaasi.

Wixii Soo kordha kala soco Khaatumonews.com