Faransiiska iyo Kenya oo kawada hadlay arimo ay ku jirto Xaalada Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlada Kenya Uhuru Kenyatta , ayaa kulan la qaatay Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Faransiiska Jean-Marc Ayrault, waxaana kulankan looga hadlay arimo kala duwan ay qeyb ka tahay xaalada dalka Soomaaliya.

Labada Masuul ayaa kawada hadlay xoojinta xariirka labada dal iyo in ay iskaashi caalami ah ka sameeyaan dhinacyo badan sida nabad galyada iyo la dagaalanka waxa loogu yeeray kooxaha argagaxisada ah oo labada wadan qatar amni ku haya.

Kulanka ay yeesheen Madaxweynaha Kenya iyo Wasiirka Arimaha Dibada Faransiiska ayaa sidoo kale looga hadlay xaalada wadamada Geeska Afrika gaar ahaan wadamada Somalia, South Sudan iyo dalka Burundi .

Uhru Kenyatta ayaa u sheegay Wasiirka arimaha Dibada Faransiiska walaaca ay ka qabaan mushaar dhimista lagu sameeyay ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee howlgalka u jooga qeybo kamid ah dalka Soomaaliya .

Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska , ayaa sheegay in Dowladiisa ay iskaashi balaaran la sameeneyso Dowlada Kenya iyo dowladaha kale ee kuyaala geeska Afrika si ay uga wada shaqeeyaan nabad gelyada .