Imaaraadka Carabta oo ku hanjabay inay cunaqabateyn dheeri ah ku soo rogayaan Qatar

Imaaraadka Carabta oo ku hanjabay inay cunaqabateyn dheeri ah ku soo rogayaan Qatar

by A M | Wednesday, Jun 28, 2017 
 

June 28 (Jowhar)— Imaaraadka Carabta oo ka mid ah wadamada Khaliijka ee xiriirka u jaray Qatar ayaa ku hanjabay inay cunaqabateyn dheeraad ah ku soo rogayaan Qatar.

Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Ruushka Omar Saif Ghobash ayaa sheegay in suura gal tahay in Qatar ay wajahaan cunaqabateyn dheeri ah.

Dalalka Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Masar ayaa horay xiriirka ugu jaray Qatar, iyagoo xayiraad diblomaasiyadeed iyo mid ganacsi ku soo rogay.

Omar Ghobash ayaa sheegay in cunaqabateynta dheeriga ee ay ku soo rogayaan Qatar ay noqon doonto mid ganacsi

Waxaa uu sheegay in wadamada xiriirka ganacsi la leh Xulafada Sacuudiga ay shuruudo ku xirayaan inay kala doortaan iyaga iyo Qatar.

Xulafada Sacuudiga uu hoggaaminayo ayaa wali wada go’doominta ay ku hayaan Qatar, waxaana ay taageero caalami ah u raadinayaan qorshahooda ka dhanka ah dalka yar ee Qaniga ku ah Saliida ee Qatar

Illaa iyo hada xulafada Sacuudiga ayaa dhowaan waxay Qatar hor-dhigeen 13 dalab oo ah shuruudo adag oo ku saabsan in Qatar aqbasho hadii ay rabto in xayiraada laga qaado.

Qodobada ayaa waxaa ka mid ah in Qatar xiriirka u jarto ururka Ikhwaanul Muslimiinka, inay xirto xarunta Milateriga ee Turkiga, in xiriirka u jarto Iiraan iyo in albaabada la isugu dhufto Telefishinka Al Jazeera iyo laamaha warbaahineed ee xiriirka la leh.

Dowladda Qatar ayaa dalabkan ku tilmaamtay mid aan caqli gal ah, iyadoo ku gacan seyrtay, waxaana ay iska fogeysay inay fulineyso dhamaan dalabkan.