Safaarada Jamhuuriyada Soomaaliyeed ee Canada oo xidhyneeyd illa 1991 oo dib loo furaayo

Dawladda Soomaaliya oo dib u furaysa Safaaradii Dalka Canada oo la xidhay 1990

Jan 2, 2020 – 1 Aragtiyood

Toronto  ( Kalshaale ) Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in ay qorsheyneyso in ay dib-u-furto safaaradeeda waddanka Canada, Sida uu sheegay  qunsulka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Canada Dayib Maxamuud.

Safaaradda Soomaaliya ee Canada ayaa la xidhay bishii June ee sanadkii 1990-kii, sanad kahor dagaalkii sokeeye ee dalka ka qarxay.  “Mudadaas waxaa xiriirka Soomaaliya iyo Canada isku xidhayey Jaaliyada Soomaaliyeed,” ayuu Dayib u sheegay VOA Soomaali.

Qunsulka cusub oo kamid ahaa Jaaliyadda Soomaaliya ee Mareykanka ayaa rajeynaya in safaaradda cusub ay xoojin doonto cilaaqaadka labada dal.

Isagoo hadalkiisa sii wata Dayib ayaa hoosta ka xariiqay in safaaradda ay xal u heli doonto dhibaatooyinka ay wajahayaan dhalinyaradda Soomaalida.

Dhibaatooyinkaas ayaa waxaa la sheegay in ay kamid yihiin dilalka dhexdooda ah iyo helista aqoonsiga oo ay waqti badan ku qaadato.

Canada ayaa kamid ah dowladaha safka hore kaga jira caawinta Soomaaliya, waxaana la sheegaa in ay ku nool yihiin Jaaliyadda labaad ee ugu badan.

Dowladaan uu hogaamiye Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo tii ka horeysay ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guulaystay in ay dib u soo celiyaan Xariirka Dowladaha Caalamka qaarkood iyo Soomaaliya sidoo kalana ay wadamadaasi is dhaafsadaan Safiiro.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com