Xoogaga Ahlusuna oo dagaal kaddib la Wareegay Deegaanka Godin-laable ee Gobolka Galguduud  

Xoogag taabacsan ururka Ahlu-sunna Wal-jamaaca, ayaa dagaal kula wareegay maanta deegaanka Godin-labe oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha, kaddib markii ay dagaal culus la galeen ciidamada Maamulka Galmudug ee gacanta ku hayay deegaankaas.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Godinlabe ayaa yimid, kaddib markii ciidan ka tirsan kuwa sirdoonka Galmudug ay weerareen malleeshiyo deegaankaas ay isbaaro u taallay. waxaana wax-yar kaddib dagaalkan ku biiray ciidammo ka amar-qaata Ahusunna Waljamaaca oo ka ambabaxay dulleedka degmada Dhuuso-mareeb.

Wararka ayaa intaa ku daraya, in Dagaalkan uu sababay khasaare isugu jirtay dhimasho iyo dhaawac iyadoo la sheegayo in ugu yaraan 10-qof ay ku dhaawacmeen, inkastoo aan tirada dhimashada la ogeyn.

Sidoo kale, Deegaanka Godinlabe oo qiyaastii 25-km u jira magaalada Cadaado ee Xarunta Maamul-goboleedka Galmudug, Waxaana Afhayeenka u hadlay Ahlusuna uu sheegay inay kula Dagaallameen deegaanka ciidammo uu ku tilmamay Galmudug iyo Al-shabaab oo soo weeraray deegaankaas.

Dhanka kale, Maamulka Galmudug ayaan weli ka hadlin Dagaalka ay Saakay Deegaankaas kula galeen Xoogag ka tirsan Ahlusunna Waljamaaca oo Dagaal uu kala dhexeeyay tan iyo sannadkii hore.

Ugu dambeyn, Xaaladda Godinlabe ayaa lasoo sheegayaa inay daggan tahay oo aanay wax dhibaato ah ka jirin, ayna ku sugan yihiin ciidankii Ahlusunna ee la wareegay deegaankaas.