(09/08/2016) Daawo Sawirada: Turkiga oo Taageero u balan qaaday Maamul Goboleedka Galmudug

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Somaliyeed ee Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Cabdi ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay safiirka Turkiga u fadhiya Somalia mr Ogan Beker kulankan ayaa ka dhacay safaaradda Turkiga ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa labada dhinac uga wada hadleen sidii Dowladda Turkiga uga qeyb qaadan laheyd mashaariicda hormarineed ka socda deegaanada dowlad Goboleedka soomaaliyeed Galmudug sida Siyasadda, , caafimaadka, Waxbarshadda iyo dhisida ciidamada.

Dhanka kale Safiir Mr Ogan Beker ayaa sheegay in Dowladiisa uu taageero ufidinayo Maamulka Galmudug iyo shacabka Galmudug,

”Waxaan ognahay in uu maamulkiinu curdanyahay waana ognahay dhibaatooyinka lagala kulmayo marhadii maamul cusub la dhisayao turkiga Somalia waa uu u soo gormaday qeyb ayaadna katihiin , waxaana rajeyneynaa in aan dhawaan tagi doonaan Magaalada cadaado ee xarunta kumeel gaarka ah ee Galmudug si ay kagaa qayb qaataan dhisida iyo hormarinta Galmudug, Turkiga ayaa waxa uu Somalia ka fuliyaa mashaariico farabadan oo iskugu jira hormarin iyo dhisitaanka ciidamada xooga dalka Somalia .Ayuu yiri Safiirka Turkiga

Ugu danbeytii Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xashi Cabdi ayaa u mahadceliyay safiir ogan beker iyo dhamaan dowlada turkishka dadaalka ay ugu jiraan in mar Somalia ay cagaheeda ku istaagto in Galmudugna markasata diyaar u tahay in ay xariir fiican la yeelato turkishka .

Kullankan ayaa ku soo dhamaaday jawi is afgarad ah, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mr. Maxamed Xaashi Cabdi ayaa magaalada muqdisho u jooga shirka madasha qaran oo dhawaan la soo gabangabeynrabo waxa uuna inta uu ku suganyahay Magaalada muqdisho uu la kulmi donaa madaxkala duwan