(August 21,2016) 10 Jir Soomaali Ah Oo Ku Dhintay Bam Gacmeed Daaqada Looga Tuuray Gurigooda Caasimada 2aad Ee Sweden Gotebord .. (Video)

Warar ugu dembeeyey waxay sheegayaan in wiilkii sideed sanno jirka ahaa ee u geeriyoodey qarax loo geystey reer ku nool magaalada Göteborg, gaar ahaan xaafadda Biskopsgården uu reerka marti ku ahaa. Wiilka ayaa la sheegay in uu jiifay fadhiga markii cidan aan la garaneynin bombo daaqadda reerka uga soo tuureen. Sida boliska laga soo xigtay wiilka geeriyoodey reerka ku nool guriga la weeraray lama deganeyn balse waxuu ku qornaa ciiwaan kale.

Ugu yaraan shan carruur ah iyo weliba dhowr qof oo qan-gaar ah ayaa ku sugnaa guriga qaraxa lagu weeraray.

Boliska ayaa tuhmaya in werrerka uu salka ku hayo aargudasho. Guriga qarax lagu weeraray waxaa deganaa qoyska uu ka soo jeedo mid ka mid ah dhallinyaro dhawaan xabsiyo dhaadheer lagu xukumay kuwas oo horey ugu geystey weerar ay labo qof ku nafwaayeen maqaaxi ku taala xaafadda Hinsinge isla Göteborg, weerarkas oo dhacay mudo hada laga joogo sannad iyo bar.