(10/08/2016) Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamud Cumar oo soo dhaweeyey madaxweynaha Soomaaliya

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamud Cumar oo ay weheliyaan afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamedrashiid Isaaq, madaxwayne kuxigeenada DDSI iyo qaar kamid ah golaha wasiirada DDSI. ayaa si meeqaam sare leh ugu soo dhaweeyay gagida diyaaradaha caalamiga ah ee garaad wiilwaal  wafti uu hogaaminayo madaxwaynaha dawlada federalka ah ee soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadaba ujeedada socdaalka uu madaxawaynaha soomaaliya ku yimid dalkeena itoobiya khaasatan DDSI ayaa ah khibrad qaadasho ku aadan dhinacyada Horumarka, Nabadgalyada iyo Maamulka suuban. wuxuuna madaxwaynuhu booqan doonaa gooba kamid ah xarunta deegaanka soomaalida itoobiya iyadoo waliba madaxwaynuhu salaan sharafeed ka qaadan doona kooxda baanbeyda DDSI.

Sikastaba ha ahaatee booqashadan madaxwaynaha soomaalia uu ku soo booqday deegaanka soomaalida itoobiya ayaa ah taariikhda markii ugu horaysay ee madaxwayne ka socda wadanka soomaalia uu kuyimaado deegaanka soomaalida itoobiya