1,116 Dhalinyaro MMJ Ah Oo Shaqo Abuur Loogu Sameeyay 60 Millyan Oo birr (DDSI, Itoobia).

1,116 Dhalinyaro MMJ Ah Oo Shaqo Abuur Loogu Sameeyay 60 Millyan Oo birr (DDSAI, Itoobia) <hr>

Jigjiga(cakaaranews), jumce, 23ka June, 2017. munaasabad shaqo abuur loogu samaynayay dhalinyaro dhan 1,116 oo ka kooban 86 iskaashato oo lagu tababaray xirfadaha kala duwan ee noocyada  ganacsiga laguna daymiyay/amaahiyay aduun lacageed oo dhan 60 millyan ayaa ka dhacday hoolka shirarka ee Sayid MCX.

Haddaba, munaasabadii dhalinyaradan shaqo abuurka loogu samaynayay ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, wasiirka xafiiska madaxtooyada DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase wasiirka xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI mudane Maxamed  Bile Xasan , masuuliyin kale oo heer deegaan ah iyo dhamaan dhalinyaradan shaqo abuurka loo samaynayay.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay madaxwayne DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka munaasabadan taasi oo uu sheegay madaxwaynuhu in ay tahay munaasabad lagu hirgalinayo qorshihii lagu soo  tababarayay dhalinyarada xirfadaha kala duwan ee ganacsiga iyo wax soo saarka noocyadiisa kala duwan taasi oo ujeedada laga leeyahay tahay sidii loo xoojin lahaa abuuritaanka bulsho ku baraarugsan iskuna sharafta shaqada iyo isku filnaanshaha iyo wax soo saarka kana madaxbanaan  fikirada mashaqayste nimada, shaxaadka iyo dulsaarnimada. Madaxwaynaha ayaa sheegay in xirfadaha kala duwan ee dhalinyaradu tahay dhiig joojinta saboolnimada islamarkaana dhalinyaradan maantu ay qayb ka yihiin qorshayaasha lagu tir tirayo saboolnimada. Madaxwaynaha ayaa ku booriyay dhalinyaradan in ay sidii loogu talagalay u hirgaliyaan qorshahan kana ilaaliyaan ganacsigoodo mid sharci darno ah.

 

Dhankiisa wasiirka Xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI mudane Maxamed  Bile Xasan ayaa ka warbixiyay xirfadaha kala duwan ee lagu tababaray dhalinyaradan iyo noocyada ganacsiga loo sameeyay  isaga oo sheegay in 86 kan  iskaashato oo ah dhalinyara laga soo kala xulay xaafadaha maamulka magaalada jigjiga  ay lacagtan la amaahiyay maanta oo dhan 60 millyan oo bir islamarkaana ay ku soo celinayaan lacagtan 5sano oo ay ku  ganac sanayaan xirfadaha kala duwan ee ay ka mid yihiin iskaashatooyinka wax soo saarka  beeralayda, naaxinta xoolaha, dhaqashada, digaaga iyo shinida, xoolo shaqato beeralayda iyo iskaashatooyinka  dhismaha biraha iyo alwaaxa.