(12/08/2016) Xidigga aflaanta Hindiga Shah Rukh Khan oo oo lagu xidhay garoonka caalamigaa ah ee Los Angeles

Xidigga aflaanta Shah Rukh Khan ayaa sheegay in uu ka xunyahay in saraakiisha garoonka caalamiha ah ee Los Angeles ee dalaka Maraykanku ay “xireen”.

 Ma cadda sababta Khan loo xiray iyo inta uu xirnaa midna.

Safiirka Maraykanka ee dalka Hindiya ayaa raaligalin ka bixiyay xiritaanka wuxuuna sheegay in xukuumaddu ka shaqaynayso si aysan mardambe u dhicin arrintaas oo kale.

 2012 Khan waxaa 90 daqiiqo lagu xiray garoonka White Plains oo u dhaw magaalada New York. Waxaa la sii diidaayay markii ay dhexgashay safaaradda Hindiya.

Khan oo Jamcihii u duulay Los Angeles ayaa Tweeterka ku soo qoray in uu fahmansan yahay ixtiraamayana sida ammaanka caalamku yahay haddana uu ka xunyahay in markaste la xiro.

Waaxda socdaalka ee dalka Maraykanku kamaysan hadlin arrintan. laakiin Nisha Biswal oo ah kaaliyaha arrimaha dibadda ee Maraykan u qaabilsan Koonfurka iyo bartmaha Aasiya ayaa sheegtay in ay ka xuntahay waxa ku dhacay ayna rrintaas oo kale la kulmaan xataa dublamaasiyiinta Maraykanku.