Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama

Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama

by A M Friday, Aug 4, 2017 

August 04 (Jowhar)— Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, kaasoo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada.

Warar horu dhac ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay maqaayad ku dhow Isbitaalka Daaru Shifa iyo Hotel Ambasaador.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo loo maleynayo in banaanka maqaayada la hor dhigay.

Waxaa la soo sheegayaa in qaraxa uu ka dhashay khasaare kala duwan, iyadoo waxyeelo kala duwan ay soo gaartay Gawaari wadada mareysay.

Waa qaraxii labaad oo todobaadkan ka dhaca Wadada Maka Al-Mukarama, Axadii la soo dhaafay ayay aheyd, markii gaari qarax la hor dhigay wadada uu ku hor qarxay goobo ganacsi ku yaala agagaarka Isgoyska Dabka

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe