Xisbiga talada haya ee dalka Norwey oo markale ku guulaystay doorashadii baarlamaanka ee shalay qabsoontay.

Xisbiga talada haya ee garabka midig ee dalka Norway ee ay hogaamiso Ra’isulwasaare Erna Solberg ayaa guul ka sheegtay doorasho baarlamaani ah oo dalkaasi ka dhacday Isniintii.

Isbaheysiga uu majaraha u hayo xisbiga mucaafidka ah ee Ra’isulwasaare Solberg ayaa sheegay in ay ku guuleysteen 89 kursi oo ka mid ah 169-ka kursi ee baarlamaanka, xilli hada la tiryay in ka badan 90 boqolkiiba codadka doorashada.