21 Arday Hablo Ah Oo Hore Boko Haram U Afduubatay Oo Dib Ula Midoobay Qoysaskoodii

Xaflad dareen badnayd ayaa lagu qabtay magaalada Abuja , taas oo lagu soodhawaynayay 21 ka habalaha ah ee dib uga soonoqday

Kow iyo Labaatan  hablo ah oo kamid ahaa 276  arday oo uu ururka Boko Haram qafaashay  2014  ayaa dib ugu soo noqday  qoysaskoodii , sida ay sheegtay Wakaalada Wararka ee BBC qaybteeda  Caalamka lahadasha.

Xaflad  dareen badnayd  ayaa  lagu qabtay  magaalada  Abuja , taas oo  lagu soodhawaynayay  21 ka habalaha  ah ee dib uga soonoqday   Ururka Boko Haraman ee kadagaalama dalka Nigeria , xafladaas oo midkamida hablihii kahadashay ayaa sheegtay  inay soo badbaadeen kadib  markay kusugnaayeen 40 kii maalmood ee u danbeeyay cunto la’aan , iyagoo sidoo kale kabadbaaday  isku day dil.

Warbaahintu waxa ay intaas ku dartay  inaanay cadeyn  sida loo maareeyay wada hadalka  soo deyn
ee hablaha ah ,  balse  saraakishu waxa ay sheegeen  inuu socdo wada hadallada lagu damacsanyahay in habalahan ku jira gacanta Boko Haram lagaga soo daayo.

Wali waxa maqan  197  kamida  276 hablihii ay qafasheen ururkani  bishii  April,2014

Midkamida  habaha oo ka hadashay xafladda waxa  ay sheegtay  inay ku jirtay keynta  mar ay diyaarad qarax  sooriday kaas oo agtayda ku dhacay balse aanan waxba kunoqon ayay tidhi .

“Wax cunto ah  maanaan cunin bil iyo tobon cisho laakiinse  maanaan dhiman, Allah Mahaddii” ayay kudartay