
Macalin ka tirsan Qibdhiyiinta wadanka Masar ee heysa diinta Masiixiga ayaa dugsi ku yaalla tuulooyinka fog fog ee dalkaas waxaa uu wax ku bara arday fara badan oo isugu jira Masiixiyiin iyo Muslimiin.
Ardayda masiixiga ah iyo kuwa muslimiinta ah ayuu sheegay inuu kala baro Bibelka iyo Quraanka kariimka ah taasoo uu sheegay inuu awood u leeyahay.
Macalinkan oo la yiraahdo Ayaad ayaa sheegay inuu wax baro 120 caruur isugu jirta gabdho iyo wiilal, kuwaasoo uu xusay iney u qeybsan yihiin 40 masiixiyiin ah iyo 80 Muslimiin ah.
“Tuulada aan joogno waa mid caan ku ah rabshadaha diimeed, aniguna waxaan isku dayaa inaan isu soo dhoweeyo muslimiinta iyo masiixiga” ayuu yiri Macalin Ayaad oo ah nin da’ ah.
Waxaa uu xusay in caruurta uu hadda wax baro qaarkood uu horey wax soo baray waalidiintood, ayna aad ugu kalsoon yihiin xirfadiisa macaalinimo, isagoo xusay in inkastoo ardayda uu kala baro labo kitaab haddana aysan ka muuqan wax kala qeybsanan ah ayna yihiin kuwo isjecel.