80 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay dalka Afqaanistaan

80 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay dalka Afqaanistaan

qaraxLahaanshaha sawirka Reuters

Ugu yaraan 80 qof ayaa ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay caasimadda Afqaanistaan ee Kaabuul.

 Qaraxa oo dhacay saaka aroornimadii ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

In kabadan 350 qof ayaa sidoo kale ku dhaawacantay weerarkaasi.

 Qaraxa ayaa ka dhacay goob aad loo ilaaliyo oo ay ku yaalaan safaarado shisheeye.

Dhismaha safaaradda dalka Faransiiska ayuu qaraxaasi waxyeello soo gaarsiiyay.

Ilaa iyo haatan ma cadda cidda rasmiyan ka dambeysay weerarkaasi, balse Taalibaan iyo kooxda la baxay Dowladda Islaamka ayaa labaduba kal hore weerarro ka geystay magaaladaasi.

Bishii la soo dhaafay ayaa kooxda Taalibaan waxay ku dhawaaqday in xilliga gu’ga ay billaabeyso guluf colaadeed oo cusub, kaa oo lagu bartilmaameedsan doono xoogagga ajaaniibta.

Kooxda la baxday Dowladda Islaamka ayaa sidoo kale kal hore weerar ka geysatay qaybo ka mid ah magaalda Kaabuul.