Abuu Mansuur oo ku wajahan Baydhabo iyo qaban qaabo lagu soo dhoweynayo oo ka socota

Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa ka socota magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, iyadoo ammaanka magaalada si aad ah loo adkeeyay.

Wararka aanu ka heleyno Baydhabo ayaa sheegaya in Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur lagu wado inuu magaalada gaaro maanta illaa berri, si uu ula kulmo maamulka koofur galbeed iyo qeybaha bulshada.

Mukhtaar Roobow ayaa la sheegay in marka uu tago Baydhabo uu uga sii gudbi doono degmada Xudur ee Gobolka Bakool iyo deegaanka uu ka soo jeedo.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa shalay kaga sii horeeyay magaalada Baydhabo, iyadoo maanta lagu wado inuu magaalada gaaro Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan oo maalmahan ku sugnaa Muqdisho.

Wada hadalada u socday Mukhtaar Roobow iyo dowladda Federaalka ayaa wali wax heshiis ah laga gaarin, inkastoo warar horu dhac ah oo soo baxaya ay sheegayaan in is faham uu jiro oo ku saabsan sidii Maamulka Koofur Galbeed iyo dowladda Federaalka ugu taageeri lahaayeen dagaalka uu la galayo Al-Shabaab.

Bishii June ayay aheyd markii Mareykanka uu ka saaray liiska Argagixisada iyo lacagihii madaxiisa dul-saarneyd, waxaana wixii xilligaas ka dambeeyay Wadaadka uu wajahayay culeysyo uga imaanayay Al-Shabaab oo markii dambe weerar ku soo qaaday deegaankii uu ku noolaa afartii sano ee u dambeysay.