Abwaanka weyn ee Maxamuud C/llaahi Ciise Sangub oo la dhigay Isbitaalka Erdogan Muqdisho – SAWIRO

Guddoomiyaha Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise Sangub ayaa ku Xanuunsanaya Magaalada Muqdisho,waxaana la dhigay Isbitaalka  Erdogan Ex-Digfer.

Abwaan Sangub ayaa Maalmahaan ku jiray Isbitaalka Erdogan,iyadoo Xaaladiisa Caafimaad ay aad u liidato.

Agaasimaha Radio Kulmiye ahna Afhayeenka Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Abwaan Cismaan C/llaahi Guure iyo  Wariye C/maalik Muuse Coldoon oo ka mid ah Saxafiyiinta ka howlgala Degaanada Somalilad ayaa Maanta Abwaan Sangub ku booqday Isbitaalka uu ku jiro.

Abwaan Cismaan C/llaahi Guure ayaa noo sheegay inuu aad u Xanuunsan yahay Abwaan  Sangub islamarkaana Xanuunka loo dhigay Isbitaalka ay isugu jiraan Sonkor,Dhiig-kar iyo Xanuuno kale oo ku soo baxay markii Qaliin lagu sameeyay ka  dib.

Dhanka kale  Abwaan Guure ayaa gaarsiiyay Lacag dhan 1,500 $ {Kun iyo Shan Boqol} oo Doolar kana timid Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa Abwaanada kala ah Abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise Sangub,Abwaan Deeq Qooje Shire iyo Fanaanka Cabdi Tahliil Warsame.

٢٠١٦١٠٠٥_١٠٠٤٠١ ٢٠١٦١٠٠٥_١٠٠٤٣٨ ٢٠١٦١٠٠٥_١٠٠٦٠٩ ٢٠١٦١٠٠٥_١٠٢١١٦ ٢٠١٦١٠٠٥_١٠٢١٢٧