Ahlu-sunnah oo dagaal kula wareegay degmada Godinlabe ee gobolka Galguduud

Subaxnimadii hore ee Arbacada waxaa dagaal culus uu ka dhacay dgemada Godonlabe ee gobolka Galguduud. Dagaalka ayaa u dhexeeyey ciidamo kala taageersan Galmudug iyo maamulka ahlu-sunnah ay uga dhawaaqeen Dhuusamareeb.

Dagaalka ayaa ku bilowdey kadib markii koox Malayshiyo ah oo aan cidna ka amar qaadan ay isbaaro dhigteen, waxanaa weerar ku qaadey ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug. Kadib waxaa dagaalka ku soo biirey ciidamo wata gadiidka dagaalka oo badan oo ka baxay deegaanka Mareerguur, kuwaas oo ka tirsan maamulka ahlu-sunnah.

Godinlabe ayaa u dhaxay Mareer-guur iyo Cadaado ee gobolka Gal-guduud.

Ciidamada Galmudug ayaa magaalada laga saarey waxaana ay u baxeen dhanka Cadaado.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Ahlusunna ee fadhigiisu yahay Dhuusamareeb ayaa sheegtay in ay hayaan Ciidamo ka tirsan Galmudug oo Dagaalka ay ku qabteen.

Dhanka khasaaraha dagaalka ka dhashey ayaa la sheegayaa in ay jirto dhimasho iyo dhaawac labnada dhinac kala gaarey, inkasta oo aan si faahfaahsan loo hayn khasaaraha rasmiga ah.

In Godonlabe ay ka baxdo gacanta Galmudug ayaa ka dhigaysa in joogitaanka Galmudug ee gobolka Galguduud uu ka yaryahay 30%.