Al-Shabaab oo dib u qabsatay Bariire.

    Al-Shabaab oo dib u qabsatay Bariire

Dagaalyahannada Al-ShabaabLahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dagaalyahannada Al-Shabaab

Dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa dib u qabsaday deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose kaddib markii ay halkaasi isaga guureen ciidamada milateriga Soomaaliya.

Ma ay cadda sababta keentay in xilligan ay ciidammada milateriga ee Soomaaliya ay banneeyaan saldhiggaasi muhiimka ah, sidoo kalana ma ay jirto weli wax war ah oo ka soo baxay milateriga Soomaaliya.

Todobaadkii hore ayuu taliyihii hore ee milateriga Soomaaliya, Janaraal Axmed Jimcaale (Cirfiid), inta uusan xilka banayn waxa uu booqasho ku tegay deegaanka Bariire si uu ugu kuurgalo xaaladda ciidammada halkaas saldhigga ku leh.

Taliyihii hore ee milateriga Soomaaliya, Janaraal Axmed Jimcaale (Cirfiid), iyo saraakiil sarsare oo kale oo todobaadkii tegay booqday BariireLahaanshaha sawirka SONNA
Image caption Taliyihii hore ee milateriga Soomaaliya, Janaraal Axmed Jimcaale (Cirfiid), iyo saraakiil sarsare oo kale oo todobaadkii tegay booqday Bariire

Ururka Al-Shabaab ayaa weerrar uu dabayaaqadii bishii hore ku qaaday isla saldhiggaas waxa uu xilligaas ku sheegtay inay ku dileen in ka badan 90 askari oo ka mid ahaa ciidamada dowladda Soomaaliya ee Bariire.

Hasayeeshee Janaraal Sheegow Axmed Cali, oo ka mid ah sarkaashiisa milateriga Soomaaliya, oo isla maalintaas BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ay Al-Shabaab ka laayeen ilaa iyo 18 dagaalame xeelad dagaalna ay dib ugu gurteen.