
Ambasasdor Marxuum Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye,oo kamid ahaa Siyaasiyiinta Ruugcadaaga ah ee Sooomaaliya islamarkaana, diblamaasiyada ku soo shaqeeyay dawladii hore ee Soomaaliya marxuumku maanta ku geeriyooday Magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal.
Hadaanu ka yareyn oo sanadihii todobaatanaadkii xilka Wasiirnimo iyo Agaasime guud kawada ahaayeen Wasaaradii Qorsheynta Qaranka ee Soomaaliya Dawladii Siyaad Barre wakhtigaas oo Marxuumka loo Magcaabay Agaasimaha Guud ee Wasaarada 1972kii waxa uu intii ka dambeysay u wareegay dhinaca diblamaasiyada oo ay aqoontiisu u saamaxdey isagoo safiir kasoo noqdey Wadanada Cannada iyo Belguim
Marxuum Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye ayaa mudooyinkii u dambeeyay ku noolaa Magaalaada Boorame isagoo marar badana xaalad Caafimaad u gaadhi jirey dalka dibadiisa waxaanu ahaa shakhsiyad aqoon badan u leh arimaha diblamaasiyada iyo maaulka dawladnimo labadaba.
Dhamaan Masuuliyiin iyo shacabka Awdal state oo wadajir ugu diraya dhambaal tacsi ah Marxuumka Qoyskiisa iyagoo illaahay uga baryey inuu janadii Fardawsa ka waraabiyo Qoyskiisa iyo Qaraabadiisiina Samir iyo Iimaan illaahay kasiiyo.