AMISOM oo billaabaysa in ay ka baxdo

AMISOM oo billaabaysa in ay ka baxdo

Ciidamada qeybta ka ah howlgalka midowga AfrikaLahaanshaha sawirkaAMISOM
Image captionCiidamada qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika

Ciidamada AMISOM ayaa ku dhawaaqay in dhammaadka sanadkan ay billaabayaan in ay ka baxaan Soomaaliya.

Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Francisco Caetano Madeira, ayaa Muqdisho kaga dhawaaqay in 1,000 askeri oo ka mid ah AMISOM ay ka bixi doonaan Soomaaliya, marka la gaaro dhammaadka bisha Desembar ee sanadkan.

Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jibuuti, kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab.

War ka soo baxay ciidamada AMISOM ayaa lagu sheegay “bixitaanka waxaa ku xiran shuruudo lagu xaqiijinayo ilaalinta guulaha ay sameeyeen AMISOM iyo ciidamada qaranka Soomaaliya”.

Wikiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Madeira
Image captionWikiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Madeira

AMISOM ayaa sheegtay in ay howlgelin doonto “500 oo asker boolis Soomaali ah si ay gacan uga geystaan amniga iyo kala dambeynta dalka.”

Wikiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay in “Ciidamada Soomaaliya ay si degdeg ah ugu baahan yihiin in la siiyo hub, sahay iyo mushaar wakhtiyeysan.”

“Dib u habeynta ciidamada AMISOM waa mid loo baahan yahay in la hirgeliyo, iyadoo la eegayo go’aankii Midowga Afrika iyo golaha amniga ee Qaramada Midoobey,” ayuu yiri Ambo Madeira oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho.

Ciidamada booliska SoomaaliyaLahaanshaha sawirkaAMISOM
Image captionCiidamada booliska Soomaaliya

Dhanka kale, madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo wuxuu la kulmay saraakiisha ugu sareysa dhanka amniga dalka.

Wakaaladda wararka ee dowladda Soomaaliya ee SONNA ayaa qortay “Madaxweynaha ayaa arkay abaabulka ugu dambeeya ee Ciidanka Xoogga ay ugu diyaar garoobayan dagaalka ballaaran ee Alshabaab lagaga sifaynayo dalka.”

Madaxweyne Farmaajo iyo saraakiisha ciidamada xooggaLahaanshaha sawirkaSONNA

Dowladda federaalka ayaa sheegtay in ay dooneyso in ay bilowdo olole ka dhan ah Al-Shabaab kaas oo abaabulkiisu uu bilowday ka dib qarixii Soobe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqday qaar ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, waxaana la sheegay in uu weydiisanayay in ay ka caawiyaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

n