Amisom oo Ka Hadashay Bixitaanka Ciidanka Ethiopia – DHEGEYSI

Ciidamada Ethiopia ayaa maalmahanba waxa ay ka baxayeen saldhigyo ay ka degganaayeen gudaha Soomaaliya taasoo keentay in meelihi ay faarujiyeen ay qabsadaan maleeshiyada Al Shabaab.

Dadka deegaanada ay ka bexeen ku noolaa ayaa qaarkood loo diley sababo ku aadan inuu ku dhawaa ama uu taageersanaa ciidamada Ethiopia. Dad badan ayaa la sheegay in ay dantu ku kalliftay in ay barakacaan.