Ammaanka Kenya oo la adkeeyay doorashada maanta dhaceysa

Ammaanka Kenya oo la adkeeyay doorashada maanta dhaceysa

AFP/Getty
Image captionAFP/Getty

Ammaanka Kenya ayaa si weyn loo adkeeyay xili dalku ka qabsoomayo doorashada madaxtinimo ee uu muranku ka taagan yahay, taasi oo uu qaadacay xisbiga ugu weyn mucaaradka dalka.

Tobanaan kun oo ciidamada ammaanka ayaa la geeyay meelo badan oo dalka ah si ay u ilaaliyaan codbixiyayaasha iyo goobaha laga codeynayo.

Wararka ka imaanaya Kenya ayaa tilmaamaya in ilaaliyayaasha duur-joogta iyo saraakiisha ka howlgala xabsiyada la geeyay magaalooyinka dalka si ay uga qeyb qaataan sugida amniga.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa ugu baaqay shacabka inay fuliyaan xaqa ay u leeyihiin inay codeeyaan.

Mr Kenyatta waxa uu sheegay inuusan dalka u ogolaan doonin inuu qalalaaso fooda la galo.

Hoggaamiyaha isbaheysiga mucaaradka, Raila Odinga, ayaa ku tilmaamay doorashada mid aan xalaal ahayn, waxa uuna ugu baaqay taageerayaashiisa in aysan ka qeybgalin doorashada.

Doorashadaan ayaa la qabanayaa kadib marki maxkamada sare ay ku guuldareysatay inay dhageysato kiis go’aan looga gaarayo qin dib loo dhigo doorashada iyo in kale.