Askar lagu dhex diley Muqdisho, hubkoodina la qaatey

Ugu yaraan afar askeri oo ka tirsanaa ciidanka Dowladda Federaalka ayaa maanta oo Khamiis ah lagu dhex diley degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho, waxaana weerarkaas lagu dhaawacay laba kale.

Weerarka oo ka dhacay meel ku dhaw Isgosyka SOS ayaa waxaa fuliyey gaari kale oo ay la socdeen koox hubeysan kuwaas oo rasaas ooda uga qaadey gaari ay saarnaayeen ciidanku kadibna meesha ayey ka baxsadeen, sida ay sheegeen dad arkaayey markii weerarku dhacaayey.

Ma jirto ilaa hadda cid si rasmi ah u sheegatey weerarkan, waxaana loo badinayaa in ay fuliyeen malayshiyaadka al-Shabaab.