(August 13,2016) Xukuumada Soomaliya oo ka hadashay shirka IGAD ee ka dhici doona Muqdisho

Xukuumada Soomaaliya ayaa waxay faahfaahin ka bixisay shir madaxeedka urur goboleedka IGAD ee bisha soo socota ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada ee dowladda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye oo la hadlay warbaainta ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay xilligan diyaar u tahay martigelinta shir madaxeedka IGAD oo la filayo in bisha soo socota Muqdisho uu ka furmo.

Wasiirka ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen soo dhaweynta madaxda urur goboleedka IGAD oo la filayo magaaalada Muqdisho in ay soo gaaraan 5ta bisha  9aad.