(August 14,2016) Imaam Masjid oo lagu dilay Magaalada New York ee dalka Mareykanka (Sawiro)

Members of the New York City Police Department establish a crime scene at the spot where Imam Alala Uddin Akongi was killed in the Queens borough of New York City, August 13, 2016. REUTERS/Stephanie Keith

Maulama Akonjee oo ahaa Imaamka Masjidka Al-furqaan Jama Masjid ee kuyaala Degmada Queens ee Magaalada New York dalka Mareykanka ayaa lagu dilay meel ku dhaw masjidka xili uu kasoo baxay salaada Duhur.

Dabey hubeesan oon wali heebtooda la garan ayaa Imaamka rasaas badan la beegsaday madaxana ka toogtay, waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay qof kale oo saaxiib la ahaa lana socday Imaamka la dilay,labadan ruux ayaana kasoo jeeda dalka Bangaladhesh.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay arkayeen nin hubeesan oo rasaas ku furaya Imaamka Masjidka iyo nin kale ee la socday, waxaana halkaasi ka baxsaday ninkii dilka ka dambeeyay kahor inta aysan booliiska goobtaasi soo gaarin.

Afhayeen u hadlay Booliska magaalada New York, waxa uu sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan dilka loo geestay Imaamkan Muslimka ah, waxa uuna tilmaamay in aysan wali heyn sababta ka dambeysa dilkan.

Jaaliyada Muslimiinta ee kunool magaalada New York ayaa isugu soo baxay halka lagu dilay Imaam Maulama Akonjee , waxa ayna Jaaliyada ku baaqday in si deg deg ah loo soo qabto cadaaladana loo horkeyno dadkii dilka ka dambeeyay.

Dalka Mareykanka waxaa mararka qarakood ka dhaca dilal iyo tacadiyo kale oo loo geesto Muslimiinta kunool dalkaasi, waxaana Weeraradaasi inta badan geesta dad cunsuriyiin ah oo qarsan waayay naceybka ay u qabaan Muslimiinta.