(August 14,2016) Mo Faarax oo ku guuleystay ciyaaraha orodka ee 10ka kun ee mitir

Orodyahanka asalkiisu Soomaaliga yahay balse heesta dhalashada dalka Ingiriiska Mo Farax ayaa mar kale waxa uu ku guuleestay Orodka 10-kun mitir, waxa uuna helay bilada dahabka ee Taratnka Olombikada ee kasocda dalka Brazil.

Mo Farah ayaa xalay wacdaro ka dhigay Orodkii uu ka qeyb galay, waxa uuna Orodyahanka oo mar dhulka ku dhacay uu ahaa ninka ugu dambeeyay Orodka bilowgii , inkastoo markii dambe wacdaro dhigay dhamaana orod kusoo dhaafay ragii kale ee tartanka kula jiray.

Orodyahankan Soomaaliyeed balse matala dalka Britain ayaa waxa uu ku guuleestay biladii sedexaad oo Dahab tartanka Olombikada Aduunka, waxa uuna horey ugu guuleestay tartamo badan uu ka qeyb galay bilado Dahab ah.