(August 16,2016) Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Cadaado u tagay wada hadal siinta Galmudug iyo Ahlusuna

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa xalay ku hoyday magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug, halkaasoo kulamo kula leeyahay Mas’uuliyiinta Galmudug, odayaasha dhaqanka iyo bulshada deegaanka.

Ujeedada Socdaalka Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Cadaado ayaa xambaarsan dhowr arrimood oo isugu jira amniga, doorashooyinka iyo dib u heshiisiin laga dhex wado Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna.

Wasiir Odawaa ayaa xalay la kulmay odayaal iyo waxgarad, isagoo kala hadlay sidii loo qaadi lahaa isbaarooyin ay dhigteen Maleeshiyaad ka soo jeeda Cadaado deegaanka Godinlabe, waxaana ay dhaliyeen xiisado.

Sidoo kale Wasiirka ayaa kormeeri doona goobaha ay ka dhaceyso doorashooyinka, maadaama dhowaan lagu soo xuli doono Cadaado xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa kala hadlaya Mas’uuliyiinta Galmudug sidii loo dar dar gelin lahaa wada hadalada Galmudug iyo Ahlusuna.

Wararka qaar ayaa sheegaya inuu socdo dadaalo la doonayo in lagu wada hadal siiyo Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna oo khilaaf u dhaxeeyo.

Maamulka Ahlusuna ayaa gacanta ku haya degmooyinka Dhuusa Mareeb oo Caasimada Maamulka Galmudug, degmada Guriceel iyo deegaano kale.