(August 17,2016) Turkiga oo xabiska ka siidaynaya 38,000 oo maxabuus si sharuud leh iyagoo la xiray inqilaabka ka hor

Turkiga ayaa sheegay inay u soo daynayso soddon iyo siddeed kun oo maxaabiis si sharuud lehiyagoon waqtigeeda dhamaan.

 Dambiyada qaar ayaa laga reebay oo ay ka mid yihiin dilka, kufsiga iyo argagixisada.

23,000 oo qof ayaa la xiray tan iyo inqilaabkii July, inkastoo dowladda aysan dhihin inay doonayso inay meel ka banayso xabsiga.

 Wasiirka cadaalada ayaa sheegay in dadka xirnaa kala bar waqtigooda la soo daynayo.

Dowladda ayaan wali sheegin sababta ay dadkan tirada badan u soo daynayso.

Laakiin wariyaha BBC ee Turkiga ayaa sheegaya, in talaabadan ay u eg tahay in meel loo banaynayo tobanaan kun oo qof oo la xiray bishii hore tan iyo markii inqilaabka la isku dayay.

Dowladda ayaa sidoo kale bixisay amar shaqada looga qaadayo in ka badan laba kun oo boliis iyo boqolaalka tirsan ciidamada oo lala xiriirinayo inqilaabka la isku dayay.

Dad u shaqeeya isgaarsiinta dowladdaayaa sidoo kale shaqada laga cayriyay