(August 18,2016) Golaha Xukuumadda Jubaland oo shirkoodi todobaadlaha ahaa uga hadley arrimo kala geddisan (Sawiro)

Kulanka Khamiislaha ahaa ee Golaha Xukuumada Jubbaland oo uu maanta shir Gudoomiyay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam waxaa lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Golaha Xukuumadda ee Jubaland ayaa soo dhaweeyey sharci baarlamaanka Jubaland ka soo saarey dhulalka dowladdu leedahay ee dadka rayidka ah degan yihiin waxaana ay isku raaceen In la sameeyo guddi wacyi galin oo dadka lahadla kahor inta aan lafulinin hindisaha baarlamaanku meel mariyey iyadoo Xukuumadu ay sida ugu dhaw u samayn doonto gudigaas oo shaqadooda guda gali doona kahor kulanka soo socda ee Xukuumada

Qodobada kale ee shirka looga hadley waxaa kamid ahaa Wasaaradda Maaliyadda oo soo gudbisey miisaaniyadda 19ka wasaaradood iyo hay,adaha kale ee Dowladda. Miisaaniyadii Hore ee ay meel mariyeen Baarlamaanka ayay Wasaaradda maaliyaddu ku dartay Wasaarado Cusub taas oo ka dhigaysa miisaaniyada 19 Wasaaradood oo kamid ah Xukuumada.

Wasaaradaha Madaxtooyada iyo amniga ayaa kaalmaha ugu horeeya kaga jira kala saraynta miisaaniyadda.

Faafin horseed Media