(August 20,2016) JAWAARI: Baarlamanka hadda jira shaqada wuu sii wadayaa illaa laga helayo Baarlamaan Bedela (Video)

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa kulan ay ku yeesheen maanta Muqdisho uga hadlay waxyaabihii u qabsoomay tan iyo markii la dhisay 20-kii bishii Ogoosto ee Sannadkii 2012-kii. Iyadoo ay maanta ku eg-tahay xilligii jiritaankiisa oo Afar sano ahayd.

Kulanka ay xildhbaannadu Muqdisho ku yeesheen Muqdisho oo ahaa midkoodii ugu dambeeyay ayaa lagu soo bandhigay wixii u qabsoomay ee barlamaanka 10-aad ee ee soo socda uu ka dhaxli doono.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo kulanka hadal ka jeediyay, ayaa sheegay in Baarlamaanka Federaalka uu sii jirayo inta laga helayo baarlaman xilka kala wareega, sida ku cad Qararkii Baarlamaanka ay meel mariyeen ee ahaa qodobka 61-aad ee Dastuurka KMG ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigenka labaad ee baarlamaanka, Mahad C/lla Cawad, ayaa xildhinabada baarlamaanka ka hor akhriyay Waxyabhii ugu Muhiimsanaa ee u qabsoomay afartii sano ee ay jireen, kuwaasoo uu ka xusay Xarunta Villa Haragysa oo leh xafiisyo kale duwan iyo hoy martida loogu talo-galay in guddiyadu ay shirar ku qaataan.

“Afartii sano ee uu jiray Baarlamaanka Federealka Soomaaliya, waxaa naftooda ku waayay weerarro ka dhacay Muqdisho 18-xildhibaan, kuwaasoo la dilay iyagoo gudanaha Waajibkooda shaqo. Waxaa kaloo la dilay Siddeed ka mid ahaa shaqaalaha rayidka ah ee baarlamaanka Somalia,” ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad.

Dhanka kale, Guddoomiye Jawaari ayaa ILAAHAY uga baryey inuu Jannadii Fardowso ka waraabiyo Xildhibaannadda iyo shaqalaha baarlamaanka ee geeriyooday, oo Qaar badan oo ka mid ah ay dishay Al-shabaab.

Ugu dambeyntii, Baarlamankan Federaalka oo ah kii Sagaalaad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa Muddadii uu jiray wuxuu meel-mariyay 20-sharci oo muhiim u ah dalkeena xilligaan la joogo.