(August 20,2016) Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay Dib u dhaca Doorashooyinka Soomaaliya

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walaac xoogan ka muujiyay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka Baarlamaaniga iyo mida Madaxtinimo ee Dalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha Amaanka ee QM ayaa lagu shaaciyay in ay ka xun yihiin waqtigii lagu madlanaa in aysan dhaceyn doorashooyinka Dalka, waxaana ay ku booriyeen Madaxda Dowladda Federaalk Soomaaliya dhaqan gelinta heshiisyada la gaaray iyadoo aan wax dib u dhac ah imaan.

Jimciyada Qurumaha ka dhaxeysa ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in maanta oo kale lagu balansanaa in la doorto Baarlamaanka balse go’aan ka soo baxay Dowladda lagu sheegay doorashada Baarlamaaniga dib loo dhigay.

Safiirka Dowladda Britain u qaabilsan Arrimaha Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in ay muhiim tahay in Qaramada Midoobay ay isha ku heyso Arrimaha Dalka Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa dhawaan lagu wadaa in ay ka dhacaan doorashooyinka Baarlamaan iyo mid Madaxtinimo ee Dalka, iyadoona xusid mudantahay  in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay isku diyaarinayaan xaqiijinta Ammaanka Caasimada Soomaliya.