(August 21,2016) Dagaal Qasaaro geestay oo saaka ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Laascaanood

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ayaa waxaa ay kusoo waramayaan in uu saaka dagaalka qarxay eerboodka magaalada laascaanood dagaalka o u dhaxeeyey ciidan maleeshiyaad ka kala tirsan qaawalayaasha Ina Jabutaawi iyo Ina Afdiinle ayaa sababay sababay khasaare nafeed.

Wararka ayaa sheegaya in rasaastu ka bilaabatay muran dhexmaray labada qaad wale kadibna ay goobtaas ay dagaal ka bilaabeen maleeshiyaadka maamulka Hargasa oo goobta ku sugnaa,waxaana dhintay laba ruux inta la ogyahay mid kamida maleeshiyaadka maamulka hargaysa iyo ruux shacab ah.

Sida wararku nagu soo gaadhayaan marxuumka dhintay waxaa lagu magacaaba Ahmed Cagalule waxayna walaalo yihiin madaxwayne ku xigeenka maamulkamkhatumo Cabdalle Cagalulle.

Xaalada magaalada laascaanood ayaa hada aad u kacsan waxaana ay dadka shacabku aad uga xumaadeenw axa saaka ka dhacay garoonka magaalada laascanood iyo shaqaqada mamulka hargaysa ka wadaan Laascaanood.