(August 21,2016) Jaamacadda SIU oo Munaasabad soo dhoweyn u sameysay Arday, kuwa kalena sagootisay (Sawiro)

Munaasabad lagu soo dhaweynayay arday waxbarasho ku soo qaadatay Jaamacado ku yaala bariga Afrika iyo sagootinta arday ka mid ah Jaamacadda SIU oo maalmaha soo aadan u baxaya Jaamacado ku yaala dalalka Uganda iyo Kenya ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaanno, waalidiin, arday, maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Madaxa arrimaha waxbarashada ahna kusimaha Guddoomiyaha Jaamacadda SIU Dr C/risaaq Xasan Maxamed ayaa sheegay in ujeedka Jaamacadda SIU ay tahay sidii loo soo dhaweyn lahaa, isla markaana loo sagootin lahaa arday cusub oo ka mid ah kuwa Jaamacadda, kuwaasi oo waxbarsho ku soo qaadan doono Jaamacado ku yaala dalalka Uganda iyo Kenya.

Qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda SIU oo ah kuwa soo dhaweynta loo sameeyay ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin in markale ay fursad u helaan inay aadaan dalka dibadiisa, kuwaasi oo isugu jira, dhaqaatiir iyo Injineero.

Qaar ka mid ah waalidiinta ardayda maanta munaasadda loo sameynayay oo ka hadlay goobta ayaa bogaadiyay talaabooyinka Maamulka Jaamacadda uu ku dhiiri gelinayo ardayda heshay fursadaha waxbarasho ee dalka dibadiisa ah

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo Xildhibaan Cilmi Maxamuud Nuur oo xafladda hadal kooban ka jeediyay ayaa xusay in maamulka Jaamacadda SIU ay ku guuleysteen sare u qaadidda tayaynta tacliinta sare, ayna la garab taaganyihiin taageero dhinac waliba leh.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda waxbarashada Xaamud Cali Xasan ayaa hambalyo u jeediyay ardayda la soo dhaweeyay iyo kuwa sagootinta loo sameeyay, waxa uu ka codsaday in mas’uuliyinta Jaamacaduhu ay ka qeyb qaataan sameynta Manhajka waxbarashada dalka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Cismaan Maxamed Cabdi ayaa mas’uuliyiinta Jaamacadda SIU u soo jeediyay inay diyaariyaan arday hal sano ay Wasaaradda u diri doonto gobollada dalka, si ay adeegyo caafimaad ugu fidiyaan bulshada, waxaana uu hoosta ka xariiqayin Wasaaraddu ay bogaadineyso tallaabooyinka ay qaadeen Maamulka Jaamacadda SIU.

Sanad ka hor mas’uuliyiinta Jaamacadda SIU ayaa waxbarasho dibada ah u diray arday ka mid ah Jaamacadda, waxaana ardayda qaar ay soo diyaarinayaan heerka labaad ee waxbarashada Jaamacadda, halka kuwa kale ay sanad waxbarasho ku soo qaadan doonaan isbitaalo kuyaala Jaamacaha Uganda iyo Kenya.

DSCN4128DSCN4117DSCN4083DSCN4032DSCN3974DSCN3948DSCN3935DSCN3882DSCN3871